Somali News

XS oo shaacisay in Sanadka soo socda jirin wax dhaqaale ah oo ay BC siin doonto Soomaaliya.

Muqdisho-KNN-Wasiirka Maaliyadda Somalia Cabdioraxmaan Ducaale bayle ayaa sheegay in hadìi Dalka Madaxweyne yeelan waayo dabayaaqada Bisha Janaayo ee sanadka socda ee 2022  aysan jiri doonin wax dhaqaale ah oo ay Beesha Caalamka siin doonto Soomaaliya.

Waxa uu tilmaamay in ay dhaqaale ay dowladda heli jiratay la jaran doonao, sababta waxa uu kui sheegay in Deeq bixiyaasha ayaa u diyaar garobaya inay la tacaamulaan Madaxweynaha cusub ee imaan doona.

Cabdiraxmaan ducaale abyle wasiirka wasaaradda maa;oyadda Soomaaliya ayaa ku baaqay in doorashooyinka la dadajiyo si uusan u dhicin wax firaaqa ah.

Soomaaliya in ay gaarto isku filnaasho ayuu ku nuux nuuxsaday in ay ku dadaalayaan inkastoo uu sheegay in ay tahay arin u baahan in si wadajir looga wada shaqeeyo.

Hadalka wasiirka maaliyadda Soomalaiya ayaa kusoo aadaya, iyadoo Soomaaliya ay ku tiirsantahay deeqaha kaga yimaada beesha caalamka oo inta badan laf dhabar u ah mashaariicda laga fuliyo dalka, iyo fududeynta arrimaha doorashooyinka.