Somali News

Xubaha Cusub ee Golaha Deegaanka Gaalkacyo oo la Dhaariyay

27 xubnood ee golaha deegaanka dagmada galkacyo ayaa maanta loo dhaariyay xilka loo doortay iyadoo ay goob joog ka ahaayeen wasiiru dowlaha wasaarada arrimaha gudaha Galmudug Axmed Xasan Cali iyo wasiirka wasaaradaasi Cabdi Maxamed Jaamac oo iyagu la dar daarmay xubnaha la dhaarshay .

Wasiiru dowlaha wasaarada Axmed Xasan Cali iyo wasiirka wasaarada arrimaha Gudaha Cabdi Maxamed Jaamac ayaa la dar daarmay inay si daacad ah u gutaan waajibaadka loo ekmaday

“Waxaa la idinka baahanyahay inaay ka dhabeysaan dhaartiina isla markaan aad sidii loogu talagalay aad ugu adeegtaan bulshadiina.ayuu yiri Mudane Axmed Xasan Cali

Dhinaca kale isla maanta waxaa xubnaha cusub ee golaha deegaanka maanta magaalada galkacyo uga furmay tababar aqoon kordhin ah oo  la xariira qaabka doorashada taas oo ay fulinayaan Masuuliyiin ka socatay hay’adda Eisa oo ka mid ah hay’addihii doorka ku lahaa dhismaha golaha deegaanka dagmada Galkacyo ee Galmudug isla markaana ah hay’adda ka shaqeysa arrimaha dimuquraadiyada iyo doorashooyinka Qaarada afrika.

Cabdullaahi Cabdoow oo ka socday hay’adda Eisa ayaana ugu horeyn ka warbixiyay tababarka iyo waxa uu ku saabsan yahay isagoona xusay in lagu baranayo qaabka doorashada labada maalmood ee uu socdo.

  • T