Somali News

Xubin ka mid ah guddiga maamulaya cayaaraha Olombikada ee Tokyo oo laga helay xanuunka Karoona


Tokyo KNN: Qofkii ugu horeeyay ee jooga magaalada Tokyo ee caasimada dalka
Japan ayaa laga helay xanuunka Karoona ayadoo magaaladaas ay u diyaar
garoobayso qabashada cayaaraha Olombikada adduunka.
Madaxa Olombikada ee dalka Japan Seiko Hashimoto ayaa xaqiijiyay in qof
ka mid ah guddiga maamulaya cayaaraha Olombikada adduunka laga helay
xanuunka Karoona kadibna la karantiilay.
Mas’uulkaan guddiga cayaaraha u hadlay waxaa uu sheegay in xubno kale
oo uu la kulmay shaqsiga laga helay la baarayo.
Duqa magaalada Tokyo ayaa sheegay in cayaaraha Olombikada sanadkaan
aan dib loo dhigeyn oo la qaban doono waqtiga loo asteeyay.
Cayaaryahanada ka qeyb galaya cayaaraha sanadkaan ayaa si joogto ah loo
baaraa mar kasta oo ay cayaaryahanadu Tokyo tagaan.