Somali News

Xubin ka tirsanaa Al-shabaab oo isku soo dhiibay ciidanka dowladda

Taliska ciidanka Nabad-sugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya ee gobolka Gedo ayaa magaalada Garbahaarey ku soo bandhigay Cabdicasiis Maxamuud Diiriye oo 12-kii sano ee lasoo dhaafay ka tirsanaa  Al-Shabaab.

Cabdicasiis ayaa ka soo goostay kooxda,  kadib markii uu sheegay inuu u adkeysan waayey xaalada ay ku suganyihiin, isagoo isku soo dhiibay gacanta dowladda, gaar ahaan ciidanka qaranka ee ka howlgala gobolka Gedo.