Somali News Uncategorized

Xubin ka tirsanaa AS oo isku soo dhiibay ciidanka xoogga dalka

Waxaa ciidanka xooga dalka isku soo dhiibay Aadan Isxaaq Xasan oo magaciisa afgarashada yahay (Jacfar) oo ka soo goostay Al-shabaab waxaana lagu soo bandhigay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah maamulka Koonfur Galbeed.

Jacfar oo muddo 3-sano ka mid ahaa Alshabaab ayaa u qaabilsanaa waxay ugu yeereen Jabhadaha, isagoona ka soo hawlgallay gobollada Baay, Bakool , iyo Jubbada Dhexe.

Taliska Qeybta 60aad ee xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa Aadan Isxaaq Xasan ku soo bandhigay magaalada Baydhabo, wuxuuna sababta ku kaliftay inuu Al-shabaab ka soo baxo ku sheegay in ay tahay dhibaatada ay habeen iyo maalin ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.