Somali News

Xubnaha Baarlamaanka Puntland oo la shaacin doono.

Garoowe-KNN-Guddiga xalinta Khilaafka doorashooyinka Puntland ayaa lagu filayaa in ay ku dhawaaqaan maanta Liiska Xildhibaanada cusub ee baarlamaanka maamulka Puntland.

Liiska Xildhibaanada ayaa la sheegaa in ay kooban yihiin 66 mudane oo ku qoran dastuurka maamulka Puntland, waxaana qorahuhu uu yahay in maalmaha soo socda ay dooran doonaan Gudoonka baarlamaanka maamulka Puntland.

Bisha soo socoto ayaa lagu wadaa inay doorasho ka dhacdo Deegaanada maamulka Puntland.