Uncategorized

Xubnaha Guddiga joogtada ah ee Aqalka Sare oo kulan ka yeelanaya arimo muhiim ah.

Muqdisho-KNN-Xubnaha Guddiga joogtada ah ee Golaha Aqalka sare ayaa maanta yeelanayo kulan ay uga hadlayan ka tashiga iyo ansixinta qorshaha shaqo ee kalfadhiga 3aad ee Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya.

Golaha aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa horyaalada arrimo badan oo u baahan meel marinta si loogu adeego bulshada Soomaaliyeed.

Xubnaha Gudiga joogtada ah ee Aqalka Sare ayaa  maanta fadhigooda diirada ku saari doono ka tashiga iyo ansixinta qorshaha shaqo  ee kalfadhiga Seddexaad ee Aqalka Sare.

Qaar ka mid ah Xubnaha Guddiga joogtada ah ee Golaha Aqalka sare oo la hadlay KNN ayaa ka dhawaajiyay in kulanka maanta ay yeelanayaan uu yahay mid muhiim ah oo arimo badan ay ku gurfeen doonaan.