Uncategorized

Wasiiradda u tartamaya Gudoomiyaha G. Shacabka waa in ay is casilaan:Gudiga Doorashadda

Muqdisho-KNN-Xubnaha Golaha wasiirada ee xukuumada Soomaaliya kuwooda raba in ay isu sharxaan xilka gudoomiyaha Golaha shacabka ee Baarlamanka Soomaaliya oo dhawaan la dooranayo ayaa shuruud looga dhigay in ay marka hore iska casilaan xilka wasiir ee ay xukuumada ka hayaan.

Xildhibaan Cabdulahi Maxamed Aadan shaacir oo ka tirsan gudiga qaban qaabada gudoomityaha Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa uu sheegay in ay warqada murashax ka aqbali doonin qof xil ka haya Golaha wasiirada , hadii uu isa soo sharxayana ay ka rabaan warqada uu iskaga casilay xilka wasiirnimada.

Gudiga doorashada ee Gudoomiyaha Golaha shacabka ayaa ah kuwo la magacabay shalay waxaana lagu wadaa in ay soo saran jadwalka doorashada iyadona ay jiraan xubno ka tirsan wasiirada xukuumada Ra`iisul waasare kheyre oo warbaahinta ka shaaciyay in ay u taagan yihiin qabashada xiljka Gudoonka Golaha shacabka waxase laga dhowr sugayaa xiliga ay warqada murashax hor geyn doonaan gudiga qaban qaabada doorashada.