Somali News

Xubnaha labada aqal ee BFS oo berri kulan ku yeelanaya Muqdisho.

Maalinta berri ah ayaa waxaa magaalada Muqdisho kulan Wadajir ah ku yeelanaya xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Kulanka ayaa ka dhacaya xarunta golaha shacabka Soomaaliya oo ku taalla xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

Ajendaha kulanka looga hadlay ayaa ah
Doorashada Xubnaha guddiga isku dhafka labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee qabanqaabada Doorashada Madaxweynaha 10aad ee Soomaaliya.