Somali News

Xubnaha Wasiirada Cusub oo Maanta la dhaariyay

Muqdisho-KNN-Xubnihii Wasiirada ee dhawaan la magacaabay ayaa maanta waxaa lagu dhaariyay Magaalada Muqdisho.

Xaflad Kooban oo lagu qabtay Xarunta Golaha Shacabka ayaa Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka waxa ay ku dhaariyeen Xubnaha Cusub ee kusoo biiray Wasiirada Soomaaliya, Xubnahaa ayaana waxa ay kala ahaayeen Afar Wasiir, wasiir ku xigeen iyo Wasiiru Dowle.

Munaasabadda lagu dhaariyay Xubnahan waxaa ka qeybgalay, Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Ra’iisul wasaare Ku xigeenka dalka iyo qaar kamid ah Golaha wasiirada Xukuumadda Soomaaliya.

Tiro dhowr jeer ah ayaa isbadal lagu sameeyay qaar kamid wasaaradaha Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Khayre.