Somali News

Xubnihii ka socday Soomaaliya ee loo diiday dal ku galka Kenya oo Muqdisho ku soo laabtay

Muqdisho-KNN-Wasiir ku xigeenka Tamarta iyo Biyaha Soomaaliya, Senator Ilyaas Cali Xasan iyo Senator Zamzam Dahir oo ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa saakay lagu soo celiyay magaalada Muqdisho.

Mas’uuliyiintaan ka tirsan golayaasha dowladda Soomaaliya ayaa ku dhowaad 15 saacadood ku xanibnaa Garoonka Diyaaradaha Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi, kaddib markii loo diiday Visaha dal ku galka Kenya.

Dowladda Kenya ayaa ka joojisay Visaha dal ku galka masuuliyiinta dowladda Soomaaliya oo horay wasiirada iyo Xildhibaanada loogu dhufan jiray Baasaboorka, marka ay ka degaan Garoonka Diyaaradaha magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Wararka aan ka heleyno Nairobi ayaa sheegaya in la baabi’iyay Liiska Wasiiro iyo Xildhibaano horay Dowladda Soomaaliya ugu gudbisay Waaxda Socdaalka dalka Kenya oo ahaa in loo fududeeyo dal ku galka marka ay ka degaan Garoonka diyaaradaha ee magaalada Nairobi.