Somali News

Xubno Al-Shabaab ah oo duqeymo lagu dilay

Warar dheeraad ayaa ka soo baxaya diyaarado dagaal oo duqeymo ka fuliyay deegaano ka tirsan gobolada Jubbooyinka Shabeellada Hoose iyo Bay, kaasi oo lagu beegsaday dagaalamayaal iyo saraakiil ka tirsan Al-Shabaab.

Duqeymaha  ayaa waxaa ay ka kala dhaceen Salagle, Jilib, Bula fulay, Hawayn iyo hargeysa yarey oo halkaasi xarumo ay ku leeyihiin Al-Shabaab.

Goobjoogayaal ayaa KNN u sheegay in duqeynta ka dhacday Salagle la beegsaday xarun ka socotay munaasabad oo ay ku sugnaayeen saraakiil ka tirsan Al-Shabaab, waxaana la sheegay in halkaasi uu khasaaro lixaad leh uu ka soo gaaray weerarkaasi.

Sidoo kale degmada Jilib ayaa la soo warinayaa duqeyntii labaad ay ka dhacday, waxaana la sheegay in ay beegsaday Al-Shabaab ah oo u socodey dhanka degmada Bu’ale kuwaas oo lasheegey in ay galbinayeen dagaalamayaal Ajanabi ah iyo saraakiil ka tirsanaa hogaanka sare ee Alshabaab, sida ay sheegeen sarakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in duqeynmo kala ay ka dhaceen deegaanada Bula fulay oo katirsan Gobolka Baay, Hargaysa yarey iyo Hawayn oo ka kala  tirsan gobolada Jubbada dhexe iyo shabeellada Hoose

Duqeymahan ayaa la sheegay in lagu  dilay saraakiil iyo dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab oo tiradooda gaaraya ku dhawaad 10 qof, sida laga soo xigtay saraakiil sirdoon ah.

Tan iyo Weerarkii ka dhacay isgoyska Ex-kontorool Afgooye ayaa waxaa kordhay duqeymaha lala beegsanayo dagaalamayaasha ka tirsan Al-Shabaab.