Somali News

Xubno Al-Shabaab ah oo isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga ee ku sugan Gado

Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa ay sheegtay inuu isasa soo dhiibay saraakiil ka tirsanaa Al-shabaab oo ku sugnaa degmada garbahaarey ee gobolka Gedo.

Saraakiisha isasa soo dhiibay ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Guuliye Xareed Muxumed iyo  Cabdale Naasiri Ibraahim oo ka tirsaa Al Shabaab, waxaa ayna isku dhiibeen Ciidamada Xoogga qaybtooda ku sugan gobolka Gado gaar ahaan degmada Garbahaareey.

Labadaan nin ayaa muddo badan waxaa ay ka mid ahaayeen xubnaha Al Shabaab iyagoo sheegay in mudadaasi ay weeraro ka geysteen gobolka Gedo.

Wakaalada Wararka SONNA ayaa sheegtay in saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka ee ku sugan degmada Garbahaareey ay u sheegeen in saraakiishan ay la soo xiriireen ciidamada xoogga, waxaana la sheegay in raggaasi ay wateen Hubkoodii.

Saraakiisha ayaa xaqiijiyay in ay dhawaan u gudbin doonaan Maxkamadda Ciidanka Qalabka sidda.