Somali News

Xubno Al-shabaab ah oo ku dagaalamay shabeellada Hoose.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dagaal u dhexeeya xubno ka tirsan Al-Shabaab dhexdooda uu ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dhacay tuulada  Biyamaalow ee u dhow deegaanka Janaale ee gobolka shabeellada Hoose, iyadoona la sheegay in dagaalka uu mudo saacad ah uu ka socday deegaankaasi.

Dagaalka ayaa ka dambeeyay  kadib markii Mid ka mid ah Saraakiisha Amniga Al-shabaab ee Loo yaqaano Jabhada ay garaaceen ciidanka Xisbada Xili uu la socodey qof Haween ah, ayagoona ku eedeeyey in uu anshax xumo ku dhaqaaqey, sida ay KNN u sheegeen ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo.

Goobjoogayaal ayaa KNN u sheegay  inuu ka dhashay khasaaro soo gaaray labada dhinac, inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin Karin.

Cabsi xoogan ayaa soo wajahday dadka shacabka ah eek u nool deegaanka Biyamaalow ee gobolka shabeellada Hoose, waxaana laga baqayaa in markale ay dagaalamaan.