Afgooye-KNN-Diyaarado dagaal ayaa xalay waxaa ay duqeymo ka fuliyeen deegaano ka tirsan Gobalka Shabeellada Hoose.
Duqeynta ayaa waxaa ay ka dhacday deegaanka Kuunyabarow ee Gobalka Shabeellada Hoose, waxaana duqeynta lala eegtay dagaalamayaal iyo Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab xili ay saarnaayeen gaari marayay duleedka deegaanka Kuunyabarow ee Gobalka Shabeellada Hoose.
Saraakiil ka tirsan Militariga Soomaaliya ayaa KNN u sheegay in duqeynta lagu dilay saraakiil ka tirsan Al-Shabaab iyo Ilaaladooda.
Inta la xaqiijyay afar ruux ayaa ku geeriyooday oo labo ka mid ah ay yihiin ilaaladooda iyo labo sarkaal oo ka tirsan dagaalamayasha Al-Shabaab.
Sarkaalka tirsan Al-Shabaab ee lagu dilay Deegaanka Kuunyobarow ayaa waxaa magaciisa lagu soo koobay Maxamed, waxaa uuna Al-shabaab u qaabilsanaa saldhigyada qarsoodiga ah eek u yaala Gobalka Shabeellada Hoose.
Al-Shabaab ayaa xiligan wajahaya duqeymo xoogan oo lala beegsanayo saldhigayada ay kaga sugan yihiin Gobalada Dalka, iyagoona Xiligan cabsi badan soo wajahday. Mareykanka ayaa kordhiyay duqeymaha ay ka fulinayaan deegaanada ka tirsan Gobalka Shabeellada Hoose.