Somali News

Xubno Al-Shabaab ah oo lagu dilay Jubada hoose.

Kismaayo-KNN-Ciidamada Xoogga iyo kuwa Jubbaland ayaa maanta waxaa ay howlgalo ka dhan ah Al-Shabaab ka wadaan Deegaano ka tirsan Degmada Jamaame ee Gobalka Jubada hoose.

Saraakiisha Ciiidanka jubbaland ayaa sheegay in 12 dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab ay ku dileen Deegaanka Araare ee hoostaga Degmada Jamaame.

Dhaq-dhaqaaqyo ciidan ayaa ka socda Deegaano hoostaga Degmada Jamaame ee Gobalka Jubada Hoose.