Somali News

Xubno Al-Shabaab ah oo lagu soo bandhigay Gedo

Wararka ka imaanaya gobolka gedo ayaa sheegaya in xubno ka tirsan Al-Shabaab ay lagu soo bandhigay degmada Balad xaawo ee gobolkaasi.

Taliska Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa warbaahinta u soo bandhigay laba Xubnood oo la sheegay inay ka tirsanaayeen Al-Shabaab kana howlgalayeen Gobolka Gedo.

Sidoo kale saraakiisha Ciidanka Nabadsugida Jubbaland ayaa sheegay in xubnahan ay la soo  xiriireen qaar kamid ah Ciidamada dowladda, isla markaana dhawaaan lagu wareejin doono Hay’adaha kale ee dowladda Soomaaliya.

Maamulka Jubbaland ayaa mudooyinkii dambe waxaa ay soo bandhigayeen dagaalamayaal iyo saraakiil ka tirsan Al-Shabaab