Somali News

Xubno ka socda Aqalka Sare oo ku wajahan Kismaayo.

Muqdisho-KNN-Wafdigii labaad ee ka socda Xubnaha Aqalka sare ayaa maanta waxaa ay  ka ambabaxayaan  Magaalada Muqdisho, iyagoona ku sii jeeda Magaalada Kismaayo ee Gobalka Jubada hoose.

Sida uu Soo sheegayo Wariyaha KNN Cumar Maxamed Soomane , Wafdigan ayaa Tiradooda waxaa ay gaarayaan 10 xubnood , waxaana hogaaminaya Senater Axmed xaashi maxamuud .

Xubnaha ka socda Aqalka Sare ayaa markii ay tagaan Magaalada Kismaayo, Waxaa ay la kulmi doonaan madaxda ugu sareysa ee Maamulka Jubbaland.

Ujeedka socdaalka wafdigan ayaa waxaa ay tahay sidii ay xal waara ugu heli  lahaayeen khilaafka Siyaasadeed ee u dhexeeya Maamul gobaleedyada iyo Dowlada Dhexe ee Soomaaliya.

Shalay aheyd markii Wafdigii ugu horeeyay ee ka socday Xildhibaanada Aqalka Sare ay gaaraan Magaalada Garoowe Ee Gobalka Nugaal.