Somali News

Xubno ka socda Guddiga qorsheynta iyo maaliyadda ee Golaha Shacabka oo Ruwaanda u jooga aqoon kororsi

Muqdisho-KNN-Guddiga qorsheynta iyo maaliyadda ee Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya  ayaa maalintii labaad Dalka Rwanda waxa ay u joogaan turxaan-bixinta xeerka Tirokoobka Soomaaliya, kaas oo haatan hor yaal Golasha Shacabka, waxaana la sheegay in uu muhiim u yahay uruurinta, kaydinta iyo shaacinta xogta dalka.

Guddiga qorsheynta iyo maaliyadda ee Golaha Shacabka waxaa safarkaas ku wehliya Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta, Agaasimaha Guud ee tiro-koobka iyo xubno kale oo ka socda Xukuumadda Soomaaliya. Dhinaca kale Guddiga ayaa sheegay in aragtiyo  la xariirta xogaha dhinacyada dhaqaalaha, tiro-koobka, amniga iyo heerarka uu soo maray Xeerka tiro-koobka Dalka  Rwanda, kaas oo dhawaan kasoo kabtay colaado sokeeye oo dhiig badani ku