Somali News

Xubno ka socda Guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka oo u ambabaxay Baraawe.

Muqdisho-KNN-Wafdi uu hogaaminayo Gudoomiye ku-xigeenka Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashada dadban  Maxamed Ibrahim Barre ayaa saakay safar shaqo u aaday magaalada Baraawe ee xarunta Dowlad Goboleedka Konfur galbeed.

Xubnaha Guddiga oo ka kooban 3 xubnood ayaa goobjoog waxay ka noqon doonaan doorashada Golaha Shacabka BFS  ee ka dhici doonta Magaalada Baraawe Maalmaha soo socda.

Guddiga Xallinta Khilaafaadka ayaa qoraal ay soo dhigeen barta ay ku leeyihiin Facebooka waxa ay ku shegeen in marwalba ay diyaar u yihiin ka garnaqida Khilaafaadka Doorashada Dadban ee golaha shacabka BFS.