Uncategorized

Xubno ka socda Midowga Afrika oo Madaxda dowlada kala hadlay arimo la xariira AMISOM.

Muqdisho-KNN-Wafdi ka socda waaxda nabad gelyada ee Midowga Afrika ayaa booqasho ku jooga Magaalada Muqdisho ee caasimada wadankeena  Soomaaliya, iyaga oo u kuurgalaya xaaladda ammaan ee Dalka iyo heerka uu gaarsiisan yahay wax qabadka ciidamada midowga Afrika ee AMISOM ee nabad ilaalinta u jooga dalka iyo Millitiriga Soomaaliya.

Wafdigan oo ka kooban Toban qof ayaa dalka joogi doona muddo Afar Cisho ah, waxanay kulammo kala duwan la yeelan doonaan saraakiisha ugu sarreysa AMISOM, xafiiska taageerada Soomaaliya ee UNSOS iyo wakiillada waddamada ay Soomaaliya ka joogaan Ciidamada ee TCC loo yaqaan.

Xubanahan Socdaalkooda waxay diiradda ku saari doonaa arrimo badan oo ay ka mid yihiin hawlaha nabad-ilaalinta, guulaha la gaaray , caqabadaha ka jira Soomaaliya iyo sidii ay masuuliyadda ammaanka dalka ula wareegi lahaayeen Ciidamada Soomaaliya.

Bisha sedaxaad ee sanadkaan ayaa la filayaa in magaalada Muqdisho ey ku kulmaan Ururka Midowga Afrika, madax ka socota wadamada ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya iyo Madaxda ugu sareyso dowlada Soomaaliya, shirkaas ayaa waxaa looga hadli doonaa arimo dhowr ah.