Somali News

Xubno ka soo goostay Al-Shabaab oo isku dhiibay Ciidamada xoogga ee ku sugan Beledxaawo

Seddex dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa xalay isku dhiibay ciidamada xoogga eek u sugan degmada Beled xaawo ee gobolka Gedo.

Xubnaha isa soo dhiibay ayaa magacyadooda waxaa ay saraakiisha ku sugan degmada Beled-xaawo ay ku sheegeen.

1, Maxamed Qani Shide Ibraahin Qori Ak47

2, Cabdiqadir Ibraahin Cabdulaahi Qori Ak47

3, Cabdicasiis Maxamed Koosaar

Labo ka mid ah ayaa waxaa ay wateen  2 Qori Ak47 Halka Midka Kale uusan wadanin wax qori ah,.

Dhawaan ayay aheyd markii Taliyaha Ciidamada Xasilinta Gobolka Gedo Bakaal Kooke uu sheegay in la cafin doono dhalin yarada ka tirsan Al-Shabaab ee isku soo dhiibta ciidamada xoogga dalka.