Somali News

Xubno ka tirsan Al-Shabaab iyo Daacish ah oo lagu qabtay Boosaaso

Ciidamada  Amniga ee maamulka Puntland ee Gobolka Bari, ayaa Magaalada Boosaaso ku qabtay xubno  lagu tuhmayo in ay xiriir la leeyihiin Al-shabaab iyo Daacish.

Saraakiil ka tirsan Booliiska Gobolka Bari, ayaa  sheegay in hawlgal saacadihii la soo dhaafay ciidamadu ka sameeyeen gudaha Boosaaso, ay gacanta ku soo dhigeen in ka badan 10 ruux oo lala xiriirinayo kooxaha Al-shabaab iyo Daacish.

Saraakiishu waxay sheegeen, in guryaha dadkaas laga soo qabtay qaarkood laga helay hub iyo jaakadaha loo adeegsado Qaraxyada, oo ay doonayeen in ay weerarro kaga fuliyaan gudaha Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

Sidoo kale, waxay sheegeen in ay haatan baaritaan ku hayaan shakhsiyaadka la qabtay, islamarkaana ay dib ka faahfaahin doonaan natiijada ka soo baxda baaritaanka ku socda shakhsiyaadka.