Muqdisho-KNN-Dagaaalamayaal shisheeye oo ka tirsan Al-shabaab ayaa lasheegay in ay goosanayaan iyaga oo ka cabanaya culeeysaad ka soo wajahay howlgalka Al-shabaab.
Qaar ka mid ah Dagaalamayaasha ayaa u sheegay Saraakiisha Amaanka in ay u adkeeysan Waayeen nolon xumo ka jirta meelihii ay ka Howlgalayeen.
Toban Dagaalame oo ka mid ah Ajaanista U dagaalanka Al-shabaab ayaa dhawaan isu dhiibay ciidanka Kenya ee ka Tirsan Qaybta Sadaxaad ee Howl-galka Midowga Africa ee Soomaaliya.
Mid ka mid ah Kuwa Dagaalamayaasha ka goostay Al-shabaab oo la hadlay Stardard media Magaciisana ku sheegay Cumar Siciid Cumar kuna dhashay lamu ayaa Ciidamadda Amaanka waxa uu u sheegay in Nolo xumo, si wanaagsan oo aan loola dhaqmin iyo Mushaar la’aan ay Dagaalamaayasha Shisheeye ku kalifto in ay Baxsadaan.
“Xaalado murugo leh ayaan ku nooleeyn waxa ay ahaayeen kuwii aan dalka uga tagay, waxay la mid ahaayeen xaaladihii aan maalinkasta ku noolaa” ayuu yiri Cumar.
Wiilkaani waxaa uu sheegay in Adeerkiis uu u qoray Al-shabaab, kadib markii ay waayeen Aabihiis.
“Waan ogahay waan nahay sabool soo laabtay, laakiin waxay ahayd in an mar hore soo laabano ama aan dhimano” ayuu yiri Nin kale oo magaciisa lagu sheegay Sheekh Cabdi oo kasoo jeedaa Deegaanka lagu magacaabo Panda Nguo.
Labada Nin ba waxay qireen in aysan Maaliyad ka helin Al-shabaab taasi oo aan waafaqsaneeyn balamihii ay la galeen raggii u Qoray in ay Al-shabaab u dagaalamaan.
Si ka Duwan raxma Maxamed oo ka mid ah Dagaalamayasha Al-shabab dhawaan ka goostay waxaa ay sheegtay in Caqiido Diimeen ay ugu Biirtay al-shabaab.
Gabadhaani waxay ka soo jeedaa Mombasa waxayna Xustay in Doneeysay Dagaal Jihaad ah.
“waan ogahay wax kasta ayaan sameeyay in aan u baxsado oo dalka aan ugu so laabto. Laaakin wan ka baqayaa in aan hooyadeey wajaho, sideen ug sheegi karaa in aan Dad kale hooyadood Dilay? Waligeed ima cafin doonto” ayey tiri Raxma.
Dhalinyaradaan soo goostay waxaa ay shaaca ka qaadeen in Dagaalamayaasha shisheeye waxa ay lasoo baxnayaan ay qayb ka tahay Duqaymaha dhinaca Cirka ah ee joogtada ka noqday Dhulka ay Al-shabaa maamulaan.
Dowladda Kenya waxaa ay Diyaarisay goobo lagu dhaqqan celiyo Dhalinyadda kasoo bar-bar dagaalantay Al-shabaab.
Waxaase Heey’adda xuquuqul inasaanka ee Kenya ay Sheegtay in ay Dagtay in ay Bulshadu aqbalaan dhalinyaro jihad doon ahayd.