Somali News

Xubno ka tirsan Al-Shabaab oo lagu Qabtay Muqdisho

Muqdisho-KNN-War lagu daabacay Twitter-ka hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA  ayaa lagu sheegay in ciidamada ammaanka ay gacanta ku soo dhigeen dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab oo ku howlanaa dilal iyo weeraro qorsheysan in ay  ka fuliyaan magaalada Muqdisho

“7da Sabtembar, howlgal ayaa ciidanka amnigu kusoo qabteen koox Al-Shabaab ah oo ku howlanaa dilal iyo weeraro qorshaysan oo ay magaalada muqdisho ka fuliyaan, Ciidanka amnigu waxay naftooda u huraan soo qabashada argagixisada ah ayagoo khatar ku ah shacabka”.

Qoraalka ay soo saartay NISA ma aysan shaacin degmada iyo xaafadda uu si gaar ah uga dhacay howlgalka lagu qabtay xubnaha ka tirsan Al-Shabaab ee qorsheynayay dilalka iyo weerarada.