Bariiri-KNN-Sida ay daabacday Wakaalada Wararka Soomaaliyeed ee SONNA labo dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa la sheegay in ay ku geeriyoodeen deegaanka Bariiri ee Gobalka Shabeellada Hoose, kadib markii ay ku qarxeen Waxyaabaha Qarxa oo ay diyaarinayeen.
Wararka ayaa sheegaya in labadaan dagaalame Guri ku yaala deegaanka ay ku diyaarinayeen Qarax oo ay doonayeen inay shacabka ku dhibaateeyaan, hayeeshaan ay iyagu ku qaraxday.
Goobjoogayaal ayaa sheegay inay arkayeen laba nin oo Meyd ah oo laga soo saaray guri ku yaala deegaanka uu ka dhacay Qaraxa.
Sidoo kale Ciidanka xoogga ee ku sugan deegaanka Bariire ayaa gaaray halka uu ka dhacay Qaraxa oo ay ku geeriyoodeen Xubnaha ka tirsan Al-Shabaab.
Maalmihii ugu dambeeyay ayay aheyd markii ciidamada Xoogga ay kordhiyeen howlgalada ka dhanka ah dagaalamayaasha Al-Shabaab oo ay ka sameynayaan deegaano ka tirsan Gobalka Shabeellada Hoose.