Somali News

Faah-faahin Xubno ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo lagu xayiray Joma Kenyatta

Nairobi-KNN-Dawladda Kenya ayaa joojisay dal ku galka laga qaato garoonka diyaaradaha (Visaha On Arrival) oo loogu dhufanayay Baasaboorada mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya, iyadoo aysan jirin wax faahfaahina oo Kenya ay ka bixisay go’aankaas.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya oo ay ka mid yihiin wasiir ku-xigeenka Tamarta iyo Biyaha Cusmaan Libaax, Senator Ilyaas Cali iyo Senator Zamzam Dahir oo ka tirsan Aqalka Sare, ayaa xalay lagu xayiray garoonka diyaaradaha magaalada Nairobi ee Joma Kenyatta.

Mas’uuliyiintaan ayaa loo diidday in Baasabooradooda Diblomaasiga loogu dhufto fiisaha dal ku galka Kenya.

Majirto wax ogeysias ah oo ku aadan arintaa kaasi oo Dawladda Kenya ay la wadaagtay dhigeeda Soomaaliya, hayeeshee go’aankaan ayaa ku soo aadaya iyadoo Kenya ay ka baxday hishiiskii Dowladda Soomaaliya ay wada galeen oo lagu joojinayey diyaaradaha ka duula Soomaaliya oo lagu sii baari jiray magaalada Wajeer, kaasi oo dhowaan ay ka baxday dowladda Kenya kuna celisay baaritaanadii Wajeer.

Wararkii ugu danbeeyay ee aan ka heleyno mas’uuliyiintaas ku xayiran Nairobi ayaa sheegaya in ay sugayaan diyaaradii ku celi laheed Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa jira Warar sheegaya in xubnahani ay u socdeen ka qayb galka shir saakay ka furamaya magaalada Nairobi oo ay ka qayb galayaan QM, Midowga Yurub iyo urur goboleedka IGAD.

Dowladda Soomaaliya oo aan wali ka hadlin arintaan ayaa laga dhur sugayaa in saacada nasoo aadan ay ka jawaab celiso go’aanka ku aadan in Kenya ay mas’uuliyiinteeda u diiday dal ku galka wadankeeda.