Uncategorized

Wasiiro ka tirsan Soomaaliland oo maanta booqday deegaanka Ceel-Afweryn oo xiisad colaadeed ay ka taagantahay

Muqdisho-KNN-Qaar ka mid Golaha Wasiirada Soomaaliland ayaa maanta booqday deegaanka Ceel-Afweyn ee gobolka Sanaag, halkaas oo muddo sanado ah ay ku dagaalamayeen laba maleeshiyo beeleed oo deegaanka wada daga.

Xubanaha ka tirsan Golaha Wasiirada Soomaalialnd ee maanta gaaray Ceel-Afweyn ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Wasaarada arimaha Guddaha Maxamed Kaahin, Wasiirka Macdanta iyo Wasiirka dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Soomaaliland kuwaas la filayo in halkaasi ay u gaareen qaboojinta xiisada u dhaxeysa labada Maleeshiyo.

Deegaanka Ceel-Afweyn ayaa sedaxdii sano ee ugu dambeysay waxaa ku dagaalamayay laba Maleeshiyo beeleed oo halkaasi wada dago, inkastoo dagaalkoodu uu aad u sii xoogeysanayay bilihii ugu dambeeyay.

12 ruux ayaa ku geeriyootay dagaalkii ugu dambeeyay ee dhax mara maleeshiyaadkaasi.