Uncategorized

Xubno ka tirsan Ururka Haweenka oo maanta booqday furamaha Dagaalka ee Shabeelooyinka.

Basra-KNN-Mas’uuliyiin ka tirsan Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed ayaa maanta dhalinyaro ka tirsan Ciidamada Milatariga Soomaaliya ku booqday Furamaha Dagaalka ee Labada Gobal ee Shabeelooyinka.

Wariyaha Idaacadda Kulmiye Axmed Maxamed Ibraahim oo safar ku wehliya xubnaha ka tirsan Ururka iyo Saraakiil Ciidan ayaa ku soo waramaya in maanta la booqday Goobihii ugu dambeeyay oo Al-Shabaab laga qabsaday goobaha ay gaareyn waxaa ka mid ah deegaanka Basra ee Shabeelaha dhexe.

Booqashadaan ayaa dhiiri gilin u ah Ciidamada Milatariga Soomaaliya oo ku jira Howlgalo Al-Shabaab looga saarayo Soomaaliya, Shalay ayay aheyd markii ay Haweenka Qaranka Sahay fudud ku wareejiyeen Ciidamada Soomaaliya.