Somali News

Xubno ka tirsanaa Al-Shabaab oo isku soo dhiibay Ciidanka Xogga.

Waajid-KNN-Seddexdan dhalinyaro oo kala ah Cabdirisaaq Ibraahim Isaaq magaciisa afgarashaduna yahay Tuuxow, Cabdulaahi Ibraahim Gore iyo Xasan Maxamed Suubow ayaa isku soo dhiibay gacanta ciidamada xoogga dalka ee ku sugan degmada Waajid ee gobolka Bakool.

Dhalinyaradan ayaa Al-Shabaab u qaabilsanaa weerarada qorsheysan iyo gurmadka hadba goobtii looga baahdo si ummadda Soomaaliyeed loogu dhibaateeyo. Iyadoo dhalinyaradaan ay soodhaweyn wanaagsan kala kulmeem ciidamada xoogga dalka.

Taliyaha saldhiga Booliska degmada Waajid Gureey Isaaq Afdguub ayaa sheegay in go’aanka ay qaateen dhalinyaradan uu yahay mid geesnimo leh,islamarkaana looga baahan yahay in kuwa ku haray safkooda iyagana go’aankan oo kale ay qaataan si ay noloshooda khatarta uga badbaadiyaan.