Somali News

Xubno ka tirsanaa Al-Shabaab oo lagu dilay duleedka Leego

Muqdisho-KNN-Wararka aan ka heleyno gobolka Shabeellada Hoose, gaar ahaan tuulooyin u dhaw deegaanka Leego ayaa sheegaya in howlgal ay ciidamada dowladda Soomaaliya ka samneeyeen halkaas lagu dilay xubno ka tirsanaa Al-Shabaab.

Howlgalkaas ayaa waxaa fuliyey ciidamo ka tirsan kumaandooska Soomaaliya, waxaana la sheegay in lagu dilay sarkaal iyo dagaalameyaal kale oo ka tirsanaa Al-Shabaab.

Howlaglka ayaa si gaar ah uga dhacay laba deegaan oo lagu kala magacaabo Sahan-Weyn iyo Sahan-Yarey oo u dhaw Leego, waxaana la sheegay intii uu halkaas ka socday iska hor imaadku inuu geeriyooday qof shacab ah oo ka mid ahaa dadka deegaanka.

Weriyaha Idaacadda Kulmiye ee gobolka Sahbeellada Hoose Cabdifitaax Cali Cumar ayaa warkan noo soo diray.