Muqdisho-KNN-Guddiga maamulka Doorashada kuraasta Gobolada waqooyi Somaliland SEIT ayaa qabtay tartanka kursiga tirsigiisu yahay HOP#268
musharixiinta ku tartamay ayaa kala ahaa
1. Musharax xildhibaan, Mudane Maxamed Cali Xagaa
2. Musharax Xildhibaan, Mudane, Axmed Muumin Waaliye
Musharax xildhibaan Axmed Muumin Waaliye Ibraahim ayaa ka tanaasulay tartanka.
musharax xildhibaan Maxamed Cali Xagaa ayaa loo qaaday codka kalsoonida ee Ergada oo ay soo xaadireen 99 Ergay, waxa uuna helay 98 ,waxa ka aamusay 1 ergay.
Sidaa daraadeed natiijada Hordhaca ah waxa kusoo baxay kursiga tirsigiisu yahay HOP#268 Maxamed Cali Xagaa.
Geesta kale Guddiga Doorashada Gobollada waqooyi ayaa shaciyay Natiijada Hordhaca ah ee kursiga tirsigiisu yahay HOP#267
Waxaana ku wadda tartamayo musharixiinta kala ah 1. Musharax xildhibaan, Marwo, Saynab Maxamed Caamir
2. Musharax Xildhibaan, Marwo, Sucaado Muumin Maygaag
Gudigga ayaa shegay in Kursiga Tirsigiisa yahay HOP#267 ay ku guuleystay xildhibaan Saynab Maxamed Caamir iyadoona loo qaaday codka kalsoonida ee Ergada oo ay soo xaadireen 99 Ergay, waxa ayna heshay 97 oo codka kalsoonida ah, 2 qof ayaa ka aamusay.
Sidaa daraadeed natiijada Hordhaca ah waxa kusoo baxay kursiga tirsigiisu yahay HOP#267 Saynab Maxamed Caamir