Muqdisho-KNN-Waxaa maanta lagu waddaa in Magaalada muqdisho ee casimadda dalka Gaar ahaan dugsiga Janaraal Kaahiye lagu qabto Doorashada lix kursi oo kamid ah Golaha Shacabka BJFS.
Guddiga doorashada Gobollada waqooyi ee soomalind ayaa shaaciyay xubnaha buuxiyay Shuruudaha, una tartami doona kuraasta kala ah
1:Hop236 2:Hop270 3:Hop286 4:Hop#2692
5:Hop#271 6:Hop#269, waxaana Saacadaha soo socda la filayaa in ay Doorashada ay ka bilaabato dugsiga Janaraal Kaahiye, iyadoona ay socoto Qaban qaabada doorashada lixdaasi kursi.
Dhanka kale waxaa saakay xiran qaar kamid ah Wadooyinka Magaalada muqdisho, iyadoona lasoo dhoobay Ciidamo ka tirsan Booliiska Soomaaliya.
Waddooyinka xiran saaka waxaa kamid ah laga soo bilaabo Isgoyska Jubba ilaa Isgoyska Ceelgaabta iyo laamiga Buundada Koowaad ilaa Ceelgaabta, waxaana ujeedka loo xiray Ciidamada amaanka Dowladdu ku shegeen Sugida Amaanka Doorashada oo aamnta Muqdisho ka dhaceeyso.