Muqdisho-KNN-Waxaa maanta magalada Garawe ee casimadda Dowlad Goboleedka Puntland ka dhacay Doorashada lix kursi oo kamid ah Golaha Shacabka BJFS kuwaa oo degaan doorshadoodu tahay Putland.
Doorashada Maanta ka dhacday Magaalada Garowe ee lagu doortay ilaa lix xubnood oo 3 kamid ah ahaayeen Dumar halka sedexda kalana ay ahaayeen Rag, Waxaa Goobjoog ka ahaa Xubno katirsan Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada ee ka hawlgalaya Puntland.
Ugu horeeyntii Maxamed Faarax Nuux ayaa ku guuleystay kursiga Tirsigiisu yahay #GSH192 isagoona helay Codad dhan 91 Halka musharaxa la tartameeysay oo aheeyd Ruwayda Maxamud Maxamed ay heshay 1, cod Waxaana Xumaaday 2 Cod.
Sidoo kale Farxiyo Yusuf Cumar ayaa ku guuleystay kursiga Tirsigiisu yahay #GSH121 kadib markii Nimco Cumar Cabdi ay ka tanaasushay tartanka, Waxaana Cod gacantaag ah ugu codeeyay
101xubnood oo ahaa Ergadii Soo xadirtay Doorashada.
Geesta kale Kursiga Sedexaad oo tirsigiisu yahay #GSH014 oo ay kuwada Tartamayeen Daa,uud Cabdikariin Sheikh Cumar iyo Cabdirisaaq Axmed Xuseen, waxaa ku guulaystay Daa,uud Cabdikariin Sheikh Cumar kaas oo helay 90 Cod halka Cabdirisaaq Axmed Xuseen uu helay 3 Cod, Waxaana Xumaaday 7cod.
Kursiga Tirsigiisu yahay GSH075 oo isna kamid ahaa kuwaasta Dorashadoosu ka dhacday Magaalada Garowe ee caasimada Dowlad goboleedka Puntland ayaa waxa ku guuleystay Cabdiqani Maxamuud Maxamed, ka dib markii uu u tanaasulay Axmed Cabdiraxmaan Cilmi, Cabdiqani Maxamuud Maxamed ayaana helay 98 Cod, halka 1 Qofna uu diiday, waxaana ka Aamusay 2 Qof.
Kursiga #GSH174 waxaa Cod Gacan taag ah ku guulaysatay Khadra Axmed Maxamed ka dib markii Layla Cabdi Faarax ay u tanaasushay,
ugu danbeeyntii Kursiga 094 oo uu horay ugu fadhiyay Axmed Ismaaciil Shabeel ayaa loo bedelay kursi Haween, waxaana ku tartamay Sahra Cabdillaahi Cigaal iyo Fardowso Maxamed Aadan, waxaa ku guulaystay Kursigaan Sahra Cabdilaahi Cigaal oo heshay 87 Cod halka Fardowso Maxamed Aadan ay heshay 3 Cod , 7 Codna way khasaareen.