Somali News

Xubno kasocda WFP iyo Ergeyga gaarka ah ee Arrimaha abaaraha oo gaaray Buulo-burde.

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Bani-aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha,  Cabdiraxmaan Cabdishakuur, ayaa gaaray magaalada Buulo burte ee gobolka Hiiraan.

Ergeyga waxaa safarka ku wehliyey xubna ka socday hay’adda cuntada adduunka ee loo yaqaanno WFP, waxa uuna u jeedka safarkani yahay u kuur gelidda xaaladda abaaraha iyo nolosha danyarta abaaruhu ay saameeyeen ee ku dhaqan magaaladda Buulo-burde ee gobolka Hiiraan.

Magaaladda Buulo-Burte, ee gobolka hiiraan ayaa ah magaalo go’doonsan oo ay Dagaalamayasha Al-Shabaab go’doomiyeen, waxaana mudooyinkii danbo laga soo sheegayay xaalad bini-adanimo oo aad u daran.

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo hubnaha ka socoto WFP ayaa la filayaa in ay dadka Magaalaasi gaarsiiyaan Gurmadka loogu talagalay dadka ay abaaabaaruhu halakeeyeen,