Somali News

Xubno ku eedeysan tahriibinta dadka oo la horgeyay Maxkamadda Gobolka Banaadir

Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranku waxa uu Maxkamadda Gobolka Banaadir horgeeyay Todobo Eedaysane, kuwaas oo ku eedaysan Tahriibin, Turufo iyo Been-abuur dal ku gal, kuwaas oo ku shaqaysanayay Xarun Magaceedu yahay Toronto Tours and Travel Agency, dhibanana ay u yihiin Muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku dhaw Lix boqol oo qof.

Maxkamadda Gobolka Banaadir markay ku qanacday cadaymaha hordhaca ah ee uu soo bandhigay Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayay u gudbisay eedaysanayaasha xabsi ku meel gaar ah si loo soo dhamaystiro baaritaankooda loona bilaabo maxkama-dayntooda.