Nairobi-KNN-Waxaa maanta magaalada Nairobi ee dalka Kenya kulan ku yeeshay inta badan musharixiinta madaxtinimadda maamulka Jubbaland iyo madax ka socotay Beesha Caalamka.
Kulanka oo Seddax geesood ahaa ayaa Hilton Hotel oo Nairobi ku yaala waxa uu ku dhexmaray intooda badan Musharixiinta isu diyaarineysa u tartamidda xilka madaxtweynaha maamulka Jubbaland, xubno ka socday urur goboleedka IGAD iyo wakiilo ka socday Qaramada midoobay.
Intii uu socday shirkaas ayaa waxaa la sheegay in diiradda lagu saaray arimaha doorashadda maamulka Jubbaland ee bilaha nasoo aadan lagu wado in ay ka dhacdo magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.
Waa markii ugu horeysay oo shir nuucaan ah ay iskugu yimaadaan musharixiinta Jubbaland iyo madax ka socota Beesha Caalamka.
Xubno ka qeyb galay shirkaasi ayaa inoo sheegay shirkaas looga hadlayay doorashooyinka ku soo wajahan maamulka jubbaland markii uu soo dhamaaday in ay dhinacyadu ku balameen in ay iskugu yimaadaan shirar kale.
Waxaa cabsi weyn laga qabaa sida Kismaayo ay uga dhici karto doorasho madaxbanaan waxaana dalka si weyn looga dareemayaa qaban qaabooyin ku aadan u diyaar garowga doorashadaasi.