Muqdisho-KNN- Maxkamada Ciidamada qalabka ayaa waxaa ay maanta xukun ku riday rag lagu eedeeyay in ay tirsanaayeen dagaalamayaasha Al-Shabaab.
Raga xukunka lagu riday ayaa waxaa ka mid ahaa Cali Maxamed Cabdullaahi Macallim Aadan, waxaana la sheegay in Al-shabaab uu ku biiray sanadii 2013, isagoo ku sugan degmada Saakow.
Waxaana maxkamada ay sheegtay in Al-Shabaab uu qaabilsanaa qaybta ku qaadda weerarada fariisimaha ciiidamada ay ku leeyihiin gobalka Shabeelaha Hoose
Dhamme Maxamed Cabdi Muumin oo kamid ah garsoorayaasha Maxkamadda Ciidamada ciidamada Qalabka Sida ayaa warbaahinta u sheegay Magacyada raga xukunka lagu riday.
- Cali Maxamed Cabdullaahi 15-sano oo Xabsi ciidan ah.
Sidoo kale Maxkamadda ayaa sii deysay
a- Cabdicasiis Idriis Sheikh Cali
b- Cabdullaahi Subeyr cumar iyo
C- cabaas idiris sheekh cali kadib markii ay ku waysay wax dambi ah



