Somali News

Xubno shabaab ah oo lagu dilay Sh.Hoose

Marka-KNN-Ciidamada Militariga Soomaaliya ayaa howgal ka dhan ah dagaalamayaasha Al-Shabaab waxaa ay ka sameeyeen xaafadaha ay ka kooban tahay Magaalada Marka ee Gobalka Shabeelaha Hoose.

Howgalkan ayaa ka dambeeyay kadib markii xalay Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisin ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan Militariga Soomaliya.

Saraakiisha Ciidanka ee ku sugan Magaalada Marka ee Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa KNN u sheegay in howlgalka ay ku dileen xubo ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Korneel Cali RoobleTaliyaha ciidanka booliska Magaalada Marka ee Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in dileen 2 dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab, islamarkaana waxaa uu tilmaamay in ay weli baadi goobayaan xubnaha Al-Shabaab ah ee jooga Xaafadaha Magaaladaasi.

Sidoo kale ayaa taliyaha ayaa xusay in howlgalada ay ka sii wadi doonaan deegaanada u dhow  Magaalada Marka ee Gobalka Shabeelaha Hoose ay ka mid tahay deegaanka Jilib Marka ee Gobalkaasi.

Ciidamada Xoogga iyo Al-Shabaab ayaa dhowr jeer waxaa ay ku dagaalameen duleedka Magaalada marka ee Gobalka Shabeelaha Hoose.