Somali News

Xubno Shabaab ah oo lagu dilay Shabeelaha hoose.

Muqdisho-KNN-Ciidamada Xoogga iyo kuwa  Mareynkanka oo Ka dhacay Gobolka Shabeellaha hoose ayaa lagu dilay 25- dagaalame  oo ka tirsan  Al-Shabaab.

Howlgalkan oo dhacay 16-ka bishan December lagana fuliyay nawaaxiga deegaanka Gandershe ayaa lagu beegsaday xero ay lahaayeen dagaalamayaasha  Al-Shabaab, halkaas oo ay Ku diyaarinayeen waxyaabaha qarxa.

Ciidamada Militariga soomaaliya ayaa waxaa ay dhaq dhaqaaqyo ciidan ay ka wadaan deegaano ka tirsan Gobalka Shabeelaha hoose.

Mareykanka ayaa kordhiyay duqeymaha ay ka fulinayaan deegaanada ka tirsan gobalada dalka, kaasi oo lagu beegsanayaa Dagaalamayaasha Al-Shabaab.