Muqdisho-KNN-Ciidamada xogga Dalka iyo kuwa ka tirsan Maamulka jubbaland oo is garabsanaya ayaa howlgal ay ka sameeyeen degaano ka tirsan Gobolka jubbada Hoose waxaa ay sheegeyn in ay ku soo qabteen dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab.
Ciidamada ayaa howgalka si gaar ah kaga fuliyey degmada Afmadoow ee G/Jubba hoose.
Saraakiisha Ciidamada jubbaland ayaa sheegaya in inta howlgalka uu socday lagu soo qabtay 2 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab.
Labada shabaabka ah ee saraakiisha ciidamada ay sheegeyn in lagu soo qabtay howgalka ayaa lagu kala magacaabaa colaad faarax iyo nuur Cabdi oo labadooda shabaabnimo loo soo qabtay.
Sidoo kale saraakiil u hadlay jubbaland ayaa sheegaya in ay sii wadi doonaan howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab ee ka soconaya degaanada Maamul-Goboladka Jubbaland.
Ciidaamda xogga iyo kuwa Maamulka Jubbaland ayaa maalmihii dambe waxaa ay kordhiyeen howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab ee ay ka wadaan G/jubba hoose iyadoona howlgalkan lagu soo qabtay xubnaha Shabaabka ah uu imaanaya iyadoo taliyaha ciidanka Xogga dalka (Daahir Aadan Cilmi indhaqarashe) dhawaan booqday Fariisamaha ciidamada Xogga ay ku leeyihiin Degaanada jubbaland


