Riyaadh-KNN-Qorshahe lagu furayo Xuduudda u dhexeeysa Iraaq iyo Sucuudiga ayaa la bilaabay Markii u Horeeysay tan iyo 1990 kii, sida ay warisay Warbaahinta Maxaliga ah ee Sucudiga.
Masuul ka Tirsan Sucuudiga oo ku sugan Baqdaad ayaa sheegay in xuduuda la furayo ay Sahli doonto in Badeecooyinku ay si nabad ah Xuduudda uga Gooshaan.
Jaraa’id lagu Magaaco Macca ayaa wariyay in Masuuliyiin ka kala Socda Sucuudiga iyo Ciraaq ay booqdeen Deeganadda Xuduudda oo ay la kulmeen Xujaay u dhalatay Ciraaq oo Sanadkiiba Hal mar Fursad u heli jiray in ay Xuduudda ka Gudbaan.
Guddmiyaha Gobolka Anbar ee Ciraaq ayaa sheegay in Tilaabadaan ay taahy Bilow Fiican iyo iskaashi u dhexeeya Sucuudiga iyo Ciraaq.
Xuduudda Labadaaan wadan waxa la xiray markii uu go’ay xiriirkii u dhexeeyay ciraaq iyo sucuudiga ee ka dhalatay Hugaamiyihii Hore ee Ciraaq Saadaam Xuseeyn Duulaankii uu ku qaaaday wadanka Kuweeyt.