Somali News

Xujayda cumraysanaysa oo loo fasaxay dhulka barakaysan.

Qiyaastii 10 kun oo qof ayaa loo ogolaaday inay tagaan dhulka barakaysan ee Xaramaynka si usoo cimraystaan.

Wasaaradda xajka ee Sacuudiga ayaa sheegtay in muslimiinta caalamka hadda loo ogolyahay inay cimraystay kadib muddo 7 bilood ah oo loo xanibay xanuuka Karoona dartiis.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda xajka Caamir Al-Maddaax ayaa sheegay in dadka cumraysana ay marka hore mari doonaan 3 cisho karantiil ah kadibna loo fasixi doono inay cimraystaan.

Sidoo kale mas’uulkaan waxaa uu sheegay in xujayda loo ogolyahay inay dalka joogaan muddo 10 cisho ah.