Uncategorized

Xukumadda Soomaaliya oo sheegtay in daba gal ay ku sameyneysa tayada Jaamacadaha dalka

Muqdisho-KNN-Wasiir dowlaha wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare ee xukumada Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamuud Jaabiri oo ka qeyb galayay barnaamij ka baxa TVga qaranka ayaa sheegay in guddi baara tayada waxbarasho ee Jaamacdaha dalka ay ku dhawaaqi doonaan dhawaan.

Wasiiru dowlaha ayaa sheegay in Jaamacadaha dalka ka howlgalo aysan ka qeyb qaadanin dib u kabashada dalka marka loo fiiriyo taqasusyada ay bixiyaan oo aysan ku saleynin  baahiyaha shaqo  ee ka taagan dalka.

Sanadihii dambe ayaa dalka waxaa ku soo badanayay Jaamacado kala duwan kuwaas dadka qaar ay dhaliil sanaayeen tayadooda waxbarasho.