Muqdisho-KNN-Mudooyinkii dambe waxaa magaalada Muqdisho lagu qabanayay kulamo looga hadlayay amniga magaalada Muqdisgho kaasi oo ladoonayo in wax badan looga qabto magaaalda Muqdisho xasilooniyadeeeda iyo naabd kusoo dabaalideeda intaba.
xukuuamdda Soomaliya ayaa qorsheyneysa in amniga magaalada Muqdisho iyo xasilooniyadeeda loogu yimaado ciidamo isku dhaf ah ee kakala tirsan Booliiska, Asluubta iyo Milatariga Soomaaliya.
Ra`iisul wasaaraha ku xigeenka daka mahdi Maxamed Guuleed ayaa xalay booqday xarumo ay joogeyn ciidamadaasi la doonayo in ay sugaan amaanka magaalada Muqdisho.
Taliyaha ciidanka Asluubta sareeya guud Bashiir Maxamed Jaamac Goobe ayaa hadal kooban ka jeediyay munaasabad lagu soo bandhigayay ciidamada ka kala tirsan Asluubta Booliska iyo waliba Milatirga kuwaasi oo sheegay waliba inay yihiin dhalin cusub ee kusoo biirtay ciidamada qalabka sida ee dowladda soomaliya, loona diyaariyay sugida amniga Muqdisho.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa carabaabay dhalinta cusub ee kamid noqatay ciidanka qalabka sida ee dowladda soomaliya inay diyaar uyihiin sugida amniga magaalada caasiamda ah ee muqdisho.
Reysal wasaare ku xigeenka dalka mudane Mahdi Maxamed Guuleed mar uu hadlay ayuu shaaca ka qaaday in ciidamda cusub ee kamid noqdqay ciidamda qalabka sida ee dowladda soomaliya looga fadhiyo sugida amniga caasiamda ee Muqdisho.
Isagoona carabka ku dhuftay in shacabka Soomaliyeed iyo dowladooda ay dagaal kula jirasan kooxo oo ku sheegay inay yihiin argagixiso.
Arinataan ayaa timid kadib markii beryahaan dambe magaalada Muqdisho ay kusoo badanayeen dilalka qorsheesan ee dhacaya xiliyada habeenkii ah inakstoo laamaha amaanka ee dalka ay sheegeen inay gacanta kusoo dhigayaan raga ka dambeeye falkaasi.