Somali News

Xukun lagu riday sedex qof oo loo heysta Kiiska Axmed Dowlo.

Muqdisho-KNN-Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta waxaa ay xukun Dil ah ku riday 3 kamid ah eedeeysanayaashii loo heystay falkii isugu jiray Dilka iyo gubida ahaa ee loo geystay Marxuum Axmed Dowlo.

Ku dhawaad 7 ruux ayaa maanta la horkeenay maxkamada, kuwaasi  oo ku eedeysan dilka iyo gubida,waxaana Maxkamada Maanta oo talaado ah xukun dil ah ay ku ridday Xuseen Iidow Maxamed, Asli Axmed Cabdulle iyo Aweys Iidow Maxamed.

Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa waxaa ay sii deysay afar qof oo kale oo iyaguna ku eedeysnaa Falka dilka ah.

Guddoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir Muuse Macallin Maxamed ayaa sheegay in xukunka uu racfaan ka furan yahay.

Kiiskii dilka Marxuum Axmed Dowlo ayaa yimid, kadib markii wiil uu adeer u yahay xiriir jaceyl uu dhexmaray gabar ay daris ahaayeen, taasi oo ka careysiisay gabadha hooyadeed, ugu dambeyna goobtiisa shaqada lagu weeraray Axmed Dowlo oo lagu dilay, kadibna la gubay.