Somali News

Xukun maanta lagu riday dhalin yaro dhac ka geysta Boosaaso

Maxkamadda Derejada koowaad ee magaalada  Boosaaso ee maamulka Puntland , ayaa xukuntay laba dhalinyaro ah oo ku eedaysan, in ay dhac iyo furasho u gaysteen qaar kamid ah shacabka ku dhaqan magaalada Boosaaso ee  gobolka Bari.

Labada eedaysane ayaa sida maxkamaddu sheegtay, waxaa lagu helay in ay gudaha Boosaaso dhac iyo furasho ugu gaysteen dad shacab ah, waxaana maxkamadda horteeda lagu soo bandhigay geed-macmal ah oo ay u ekaysiiyeen qoryaha fudud.

Gudoomiyaha Maxakamada Darajada Kowaad Ee Gobalka Bari Abuurkar Nuur Jaamac ayaa sheegay in dhalinyaradaan ay xilli habeen ah ay dadka ka dhacayeen Mobeelada,isla markaana ay agabka wax ku dhacayeen uu u yaallay Guri ku yaalla Boosaaso.

Ragga xukunka lagu riday ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Cabdiraxmaan Cali Maxamuud (Awoowe) , waxaa ayna maxkamaddu ku xukuntay saddex sano oo xarig ah iyo saddex boqol oo Dollar oo ganaax ah, halka Faysal Cabdinaasir Cabdullaahi, isna maxkamaddu ku xukuntay laba sano oo xarig ah iyo saddex boqol oo Dollar oo ganaax ah.

Sidoo kale, maxkamaddu waxay sheegtay in ay jiraan eedaysanayaal kale oo aan weli la horkeenin maxkamada , iyadoona ka dalbatay xeer-ilaalinta in si dhakhso ah loo horkeeno eedaysanayaasha maqan.