Somali News

Xukuumada Soomaaliya oo ka hadashay khilaafka Galmudug

Mqdisho-KNN-War qoraal ah oo soo baxay Wasaarada Arimaha Gudaha Soomaaliya ayaa waxa looga hadlay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Madaxda ugu sareeya Maamulka Galmudug

Sidoo kale Wasaarada ayaa masuuliyiinta maamulka Galmudug ka dalbatay in la soo afjaro khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeeya, iyadoona Sheegtay Wasaarada in muhiim ay tahay in la dhaqan geliyo Heshiiskii lagu saxiixay Villa Soomaaliya taariikhdu markay ahayd, 06/12/2017 lana meel mariyo dhammaan qodobadii ku caddaa heshiiskaas.

Wasaarada Arimaha Doorashooyinka ayay si aad ugu hadashay Waxaa ay Sheegtay in loo baahan yahay in la ilaaliyo Nidaamka Dastuurka dalka

Qoraalka Wasaarada ayaa u qorna sidan:-

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalaynta iyo dib u heshiisiinta, iyadoo gudanaysa waajibaadkeeda dastuuriga ah, waxay si dhow ula socataa geedi socodka federaalaynta iyo doorashooyinka dalka.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha waxay gacan ku siin doontaa dhammaan Dowlad goboleedyada sidii loo hirgelin lahaa doorashooyinka kusoo fool leh oo aan rajaynayno in ay u dhacaan si daah furan, xor ah, waafaqsanna dastuurka dalka.Wasaaraddu waxay adkaynaysaa in la ixtiraamo ku dhaqanka dastuurka lana ilaaliyo muddada xil haynta iyadoo xaqiijin doota in ay doorashooyinku qabsoomaan waqtigii loo asteeyay si looga fogaado tallaabo kasta oo keeni karta muddo kororsi.

Wasaaraddu waxay sidoo kale ugu baaqaysaa madaxda dowlad gobaleedka Galmudug in ay soo afjaraan isafgaranwaaga kasoo cusboonaaday dhexdooda looguna baaqaysaa in ay dib ugu soo laabtaan dhaqangelinta heshiiskii lagu saxiixay Villa Soomaaliya taariikhdu markay ahayd, 06/12/2017 lana meel mariyo dhammaan qodobadii ku caddaa heshiiskaas.