War ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in Dowlada Federaalka Soomaaliya ay la socoto dad rayid ah oo waxyeelo kasoo gaartay dhacdadii ay ku lug lahaayen ciidamadda AMISOM ee saaka ka dhacday degmada Huriwaa ee Gobalka Banaadir, iyadoona baaritaano ay socdaan.
“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay la socotaa dhacdo ay dad rayid ah waxyeello ka soo gaartay oo ka dhacday degmada Huriwaa ee gobolka Banaadir, taas oo ay ku lug leeyihiin ciidanka Nabad Ilaalinta AMISOM.
Sidoo kale Qoraalka Wasiirka Warfaafinta ayaa waxaa lagu sheegay in Dowladda Soomaaliya iyo saaxiibadeeda Caalamka ay ka go’an la dagaallanka a Alshabaab iyo wixii la hal maala, sidoo kalena waxaa dowladda ka go’an dhowrista bad-qabka shacabka Soomaaliyeed oo ah kan dartiis dagaalka loogu jiro.
Dowladdu waxa ay waddaa baaritaan la xiriira dhacdada maanta,iyadoo bulshada la wadaagi doonta wixii ka soo kordha, waxeyna Ka xuntahay waxyeelo gaarta shacabka Soomaaliyeed.


