Muqdisho-KNN-Iyadoo saacadii la soo dhaafay ay Roobab xoogan ay ka da’ay gobolka Banaadir, taasi oo sababtay in ay saameyn ku yeeshaan kaamamka barakacayaasha iyo dadka tabarta daran.
Dadka oo qaarkood la hadlay KNN waxaa ay sheegeen inay ku soo baraarugeen iyaga oo guryahooda biyo ceegaagaan Ama Buuxdhaafaan, iyaga oo intaasi raaciyay in dhibaato badan heysato, gargaarna aysan weli helin.
Markii ay warkan baahisay KNN ayaa Xalay Masuuliyiin ka tirsan Xukuumada Soomaaliya waxaa ay kormeer ku tageen qaar ka mid ah degmooyinka ay Buuxdhaafiyeen biyaha roobka.
R/Wasaaraha Soomaaliya,Wasiirka Amniga iyo gudoomiyaha Gobalka Banaadir ayaa ka mid ahaa Masuuliyiinta xalay tagay degmooyinka xamar weyne,boondheere iyo degmooyin kale oo ay buux dhaafiyeen Biyaha roobka.
Kormeerka kadib ayaa waxaa warbaahinta la hadlay Wasiirka Amniga xukuumada Soomaaliya maxamed Abuukar islow Ducaale ayaa sheegay in Xukuumada Soomaliya ay ka go’antahay sidii looga gurman lahaa dadka saameynta ku yeeshay roobabkii ka da’ay magaalada muqdisho.
Roobabka ka da’aya magaalada ayaa saameynta ugu badan ku yeeshay boqolaalka kun ee dadka gudaha ku barakacay oo aan haysan hoy wanaagsan oo ay ka gali karaan daadadka soo rogmanaya.
Daadad ka dhashay roobabka da’aya ayaa keentay inay biyo galaan xaafadaha isku raranka, taasi oo qoysas badan ku keentay in xalay oo dhan ay soo jeedaan, isla markaana biyaha ka saaraan guryahooda.


